Deegaan Dabiiciyeedka Soomaalida loo qaybiyaa 7 deegaan oo dabiici ah, waxay kala yihiin; Guban, Golis, Deex, Dhoobey, Oogo, Nugaal iyo Hawd. toddobadaan gobol dabiiciyeed waxaa ka mid ah

deegaanka Golis oo buuraha teedsan kana soo bilawda deegaanka waqooyi bari ee Soomaaliya gaar ahaanna gobolka bari, waxayna ku dhammaadaan deegaannadda dhul saraadka ah ee Xabashida. Deegaanka Golis – Waa Silsiladda buuraha ku teedsan laga soo bilaabo gobolka bari ilaa gobolka Awdal ilaa dhul saraadka xabashidu dagto ee ay kasoo burqadaan webiyada shabeelle iyo Jubba ee dhanka waqooyiga, galbeedka iyo Bariga Herer.

Deegaankaan Golis wuxuu ka mid yahay meelaha caalamka ugu quruxda badan, wuxuu aad ugu wanaagsan yahay beerashada, dalxiiska, dhaqashada meesiyada Xoolaha iyo dhul-degaan ahaan, deegaankaani wuxuu ka mid yahay deegaannada Soomaaliya ugu roobka badan, kaasoo sanadkii hela roob celcelis ahaan lagu qiyaasay 1200 – 2000 mm, roob kaas oo Sahal ka dhigaya inay noqoto meelaha soomaaliya ugu quruxda badan, taas oo had iyo gooraalaba ka dhigaysa deegaankaan mid cagaaran. Helitaanka xaddiga roobka ee sarreeya waxaa keenaya joogga sare ee dhulka kaasoo u sahlaya inuu dhulku helo soona jiita Uumi-biyood hilaadda sare jooga, kuwaasoo xambaarasan daruuro biyeysan kuwaas oo ku dul hoora hogol iyo heegadiisana dulgeeya 24 – kii saac oo kasta deegaanka Casha gaar ahaanna Casha loo yaqaanno Cal-madow.

QAYBAHA CASHA

Deegaanka Casha waxaa loo qaybiyaa Afar qaybood. Qaybahaani waxay u kala horreeyaan sida ay u qoran yihiin waxaana laga soo bilaabayaa dhanka berriga xigta gaar ahaan Oogada waa na sidaan;

  1. Raacin
  2. Cal
  3. Ragar
  4. Guban
QAYBAHA CASHA
Qaybaha kala duwan ee casha, cashu waxa ay deegaan wadaag la tahay una dhaxaysaa Badda Cas (Gacanka Cadan) iyo deegaanka fidsan ee Oogada, oo ah deegaanka labaad ee ugu joogga sarreeya, sidoo kalena ugu roobban.

Raacin – waa buuraha qallalan ee aan lahayn wax geed ah, roobkuna ku yaryahay, badanaa buurahaani waxay xigaan ood wadaagna la yihiin berriga siiba gobol dabiiciyeedyada loo yaqaanno Nugaal, Oogo, iyo Hawd. Badanaa qaybtaan xooluhu kuma dhaqmaadaan, mana jiraan wax noole ah oo ku nool, qaybtaan waa buuraha qallalan ee badana indhaheennu qabtaan markaan u safrayno gobollada Bari, Sanaag, Togdheer iyo Waqooyi Galbeed. Deegaankaani celcelis wuxuu helaa roob ka yar 10 – 50 mm sannadkiiba, deegaankaan xooluhu kuma dhaqmaadaan, dad kuma noola, buuraha salkooda hoose waxaa ka baxa geedaha saxaraha ee qodaxda leh, dushoodana wax geeda kama baxaan. Deegaankaan waxaa aad looga helaa loogagana faa’iidaysan karaa helitaanka Shamiitada iyo macaadinta kala duwan sida Istambarka oo nooc walba leh sida; guduud, Jaalle, Madoow, Caddaan iyo Binke. Meelaha qaar waxaad ku arkaysaa buur midabkeedii isbedelay oo jaalle ama guduud ah, waxaana u leh macdanta istambarka oo qani ku ah gaankaan.

Cal – Deegaankaani wuxuu ka roganyahay kuna xigaa deegaanka Raacinta waana buuraha waaweyn ee roobban waligoodna aan cagaarka dhigin. Casha waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah; Cal-bari iyo Cal-miskaad. Cashu badanaa waa dhul roobleey ah, qaboow ah oo cagaar badan. Dhulkaani wuxuu kaloo caan ku yahay daruuro iyo roobab joogto ah oo qabow sare leh. Dhulkaani Doog iyo Jiilaalba waa isku mid. Waa dhulka ay ku badan yihiin durdurada, wuxuuna dhaqaal ahaan aad u wacanyahay adhiga, lo’da iyo geela casha ee gaagaaban. wuxuu kaloo aad ugu wanaagsanyahay beeraha maadaama uu leeyahay biyo joogto ah, kuwaas oo soo saari kara in ka badan baahida dalka Soomaaliya ee quudka, sidoo kale deegaankaani wuxuu aad ugu wanaagsan-yahay dalxiiska oo ah meelaha ugu badan ee dhaqaaluhu kasoo galo waddankii horumariya waryaadka dalxiiska iyo socdaalka. Si loo horumariyo wuxuu u baahan yahay laba shay oo kaliya kuwaas oo ah hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha sida garoomada iyo waddooyinka laamiga ah, sidoo kale wuxuu u baahan-yahay sugitaanka ammaanka iyo ku dhiiri-galinta aasaasidda shirkado ka shaqeeya dalxiiska.

3
Dikhida sare ee casha, waa caynaddaan, waxaa roobabku da’aan xilli kasta.

Ragar – waa qayb ka mid ah casha balse waa qaybta xigta xeebta amase Gubanta waa dhul cagaaran balse wuu kulul yahay waana roobban yahay, inkastoo roobkiisu ka yaryahay kan casha. Deegaankaan intiisa badan waa huur, waxaana u keenaya ku neefsiga badda cas ee dhacda qaybtiisa waqooyi iyo bari ee Soomaaliya, Deegaankaani wuxuuna caan ku yahay geedka loo yaqaanno Xijiga iyo Beeyada kuwaas oo laga dhalin karo dhaqaale aad u sarreeya. Geedahaani waxay ka baxaan oo kaliya labo waddan oo kala ah; Soomaaliya iyo Cummaan/Oman. Waxaa laga sameeyaa waxyaalaha la isku carfiyo sida; barfuunnada, kareemmada, diyodorandayaasha, saliidaha, Iyo qaar kale oo badan. Geedahaani waxay ka baxaan xididdana gashtaan dhagxaanta dhadhaabta ah ee buuraha. Waxayna caan ku yihiin inaysan ka bixin meelaha ciidsanka ah sida geedaha kale. Waxay ka baxaan dhulka kulul ee huurka ah. Deegaan Ragarka waxaa kaloo loo yaqaanna Cal-miskaad – oo micnaheedu yahay cashii udgoonayd. Erayga cal – waa meel sare oo tiigaal ah, tusaale ahaan Calaal oo shay meel suran.

Xeeb/Guban – waa dhulka loo yaqaanno gubanta ee xeebta saaran. Wuxuu caan ku yahay kuleyl iyo roob yaraan. waxaa aad uga baxda timirta. Waana dhulka dhanka xeebta uga rogan Ragarka. qaybtaan waxaa ku dhaqmaadi kara nooc kasta oo xoolo ah xilliyada qaar siiba geela. dhulkaan waxaa laga beeri karaa nooc kasta oo ka mid ah dalagyada. Wuxuu caan ku yahay ciidda madoowda bacrisan. iyo ciid badeedda sidoo kale deegaankaan waxaa laga samayn karaa nooc kasta oo shamiito ah maadaama ay leedahay nooca dhagax ee loogu talo galay in laga sameeyo shamiitada kaas oo ah dhagax madoowga ama Shiilo-xaarka.

5.jpg
Deegaanka casha waxaa ku nool xoolaha gaar ahaan Lo’da iyo riyaha, sidoo kale dhaqmaadda geelu waa ku yar yahay deegaankaan, maaddaama uu yahay deegaan joog sare leh, inta badanna qaboobe ah. Xilliyadii dambe xooluhu waa ku yaraadeen, waxaa deegaannadaan soo food saaray isbeddelka cimilada ee adduunka, taasina waxa ay keentay in noolihii ku noolaa deegaankaan ay galaan xaalado qallafsan oo aysan qabatinkeeda lahayn sida; biyo yaraan, kul saare iwm.

Ugu dambayntii dhulkaas aan kor kusoo xusnay maanta waa mid aan lahayn wax horumar ah. Dadku ma haystaan umana dhammaystirna baahiyihii aasaasiga ahaa sida caafimaadkii, waxbarashadii, ammaankii iyo hooy wanaagsan oo ay ka galaan qabowga iyo roobka joogtada ah. dadka daggan waa labo qaybood; kuwa waa reer miyi xoolaha dhaqda iyo dad beeraley ah. dadka beeraleyda ahi ma haystaan waddooyin wanaagsan oo ay ku suuqgeystaan wax-soo-saarkooda beeraha, taasina waxay ka han jabisay inay soo saaraan wax dhaafsiisan baahidooda, inkasta oo ay socdaan isku tashi bulshada dhexdeeda ah haddana ma jiraan awood dhaqaale oo ay kaga gudbi karaan buuraha qirada weyn ee hor istaagay inay soo gaarsiiyaan magaalooyinka waaweyn wax-soo-saarkooda beeraha. Waxaan kusoo gabo-gabeynayaa eraygayga ugu dambeeya “Nin meel ka tiirsan meelna ka tiilan” oo macnaheedu yahay nin hadduu meel ku wanaagsan yahay, meelna waa ku xunyahay inkastoo la dhihi karo ma tiilnee tabar baa meesha dhigtay, oo waxaan odhan karnaa “Ninna madaxiisa iyo tabartiisa midna kama tillaabsan karo”.

Xoosh Docol Curdan
#IsBaro
xcurdan@gmail.com