Dhallinta Puntland waa dhallinyaro astaan u noqday fadhiid, habsow, qabyaalad, horumar la’aan, eex, kiilasho, waa iska caadi iyo erayo ay ka muuqdaan hankooda jabay!

Dhallinta reer Puntland (Budlaan) inta badan waa kuwo dansan, oo aysan shaqayn dareemayaashooda kuwa ugu muhiimsan. Waxaa ka buuxa xiqdi iyo qabyaalad, waxay ku caan baxeen aamusnaan iyo is dulleyn, waa dhallin kala firiqsan dantoodana aan ka dhex arkin siyaasadaha iyo ayaamaha isrogrogaya ee Puntland, waa dhallin markii ay danahooda iyo mustaqbalkooda ka hadli lahaayeen ka hadla dano qabiil ama jifiyeed, han hooseeya waa calanka iyo astaanta dhallinteenna Puntland kuwa kooban mooye, dowladda u talisa waa mid musuqmaasuq hareeyey, hiyigooda kuma soo dhaco maxay u dhaceen arrimahaas! Waxay uga baxaan oraahda dhuuxooda caank ah ee; “Waa iska caadi!”. Waa dhallin qalbiyada ka dhoofey, qabuuraha badiyey, cimrigana loo soo gaabiyey,  waa dhallinta magacoodu waxa uu noqday mid soo qaadistiisu aad sarriigasho ka dareemaysid, waa magac ay ku shaqaystaan koox liddi ku ah danaha dhallinteenna!

Kaaga darane wax looma qabto deegaanka ay ku nool yihiin malahan hal madal oo akhris, deeganka ay ku nool yihiin waa deegaanka laga helo; biyaha, korontada, caafimaadka, internetka, isgaarsiinta, iyo nolosha ugu qaalisan Afrika! Deegaankoodu ma lahan jidad wanaagsan haddana waxay ku mashquulsan yihiin qabyaalad iyo faan! Deegaankoodu waa kan Soomaaliya ugu musuqmaasuqa badan haddana ma dareensana in yar ma ahane, deegaankoodu waa kan ugu jariifka badan haddana maba oga! Deegaankoodu waa horumar yar dalka haddana uma heellana mana hayaan waddadii lagu horumarin lahaa! Kaaga darame koodii dhaqdhaqaaq sameeya ee damca inuu sanduuqa hurdada ka baxo dib ugu celiyaan ayagoo dacaayad aan jirin, xiqdi, Kahasho iwm kula dhaqma.

Doorashadii bayaan ee dhacday 11/3/2018, waxa ay tusaale u tahay mustaqbalxumada dhallinyarada ee ka soo ifaysa deegaannada Puntland, haddii dhexdoodu kala xoogayaan talada, haddii dhexdooda is xasdayaan, haddii dhexdooda uu yaallo musuqmaasuqu, sidee ayuu u ifayaa mustaqbalkoodu?! – Waa aguugan!

 

BARAARUGA DHALLINEEY WADDANKU ANNAGUU NA SUGAYAAYE!

Xoosh Docol Curdan
#IsBaro