Waa xeero laga qoro geedaha, waxayna gaar u tahay qowmiyadda Soomaalida.
Xeedhadaan waxaa laga sameeyaa geedo dhowr ah ayadoo hadba ay ku xidhan tahay dhirta deegaankaaga ka baxda waxaase ugu mudan oo inta badan dhulka Soomaalida laga helaa geedka Dharkaynka. Dharkaynku waa geed gun weyn leh, wuxuuna dhiiqaa caano kulul ama hah leh.

Xeedhadaan waxaa farsameeya ragga oo qudha, gaar ahaan odayada tunka ka cirraystay ee xirfadda xeero samayntu ku yohoontay. Xeedhadaan waxaa lagu sooraa martida, alla-bariyadana dad gaar ah sida culimada iyo madaxda yaa cuntada loogu geeyaa.

Xeedhadaan kolka geedka laga soo gooyo waa la rogaa (sidii goobadii) waxaana loo qaabiyaa qaab dhismeedka ayadoo la adeegsanayo noo ka mid gudinta oo la dhaho Quraar, kadibna waxaa loo sameeyaa qayb yar salka ay ku magaaaban tahay loogu talo galay. Wixii intaas ka dambeeya waa la gudo bixiyaa ayadoo la adeegsanayo nooc kale oo gudinta ka mid ah, loona yaqaan Meel-xun-gala ama Gudobixis. Kolkii ay dhammaato gudo bixintu waxaa laga galaa wixii qurxin sida in marmar la mariyo dheg ama siddo la qabsadana loo yeelo. Wixii intaas ka dambeysa waxaa howsheeda kal wareega dumarka ayadoo ay ku bilaabanayso habkii xoolaynta waxaama loo yaqaa Xoolayn ama Weelayn. Waxaa lagu dhabooqaa xuuko riyaad ama subag idaad, waxaana lala dhigaa qorraxda muddo dhowr beri ah.

Xeeradaan jirintaankeeda waa mid aad u sarreeya haddii farsamadeeda laga taxaddaro, tusaale; waxaan arkay xeedho jiritaankeedu ka sarreeyo konton sano. Ilaalinteeduna qayb weyn bay ka qaadataa, waana waxa keenaya inay xilli dheer jirto.

Xoosh Docol
#IsBaro